MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay wada-hadal la furto Dowladd goboleedyada dalka ka jira.

Qoraal la soo dhigey bogga uu ku leeyahay Twitterka safaarada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dowlada federalka iyo maamul goboleedyada ay xaliyaan khilaafka ka dhex jira,ka hor doorashadad Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay wadashaqeyn iyo iskaashi dhexmara dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isi xal loogu helo kala khilaafaadka siyaasadeed ee jira, Dhaqan gelinta Deyn cafinta iyo ka jawaabida COVID-19.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaana isku fiicneyn dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana khilaaf uu ka dhex jiraa muddo ku dhow labo sano.

Khilaafka dowladda iyo Maamul goboleedyada waxaa si kulul uga hadlay madaxweynayaashii hore soomaaliya iyo guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka federaalka.