wararka aan kahelayno Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayan in uu ku soo xirtay maalmo ka hor Markab siday sokor dhan 40.000 oo tan taasoo laga soo diiday inuu ku dejiyo dekedda Mombasa ee dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii 2018 oo markii hore qorshuhu ahaa in laga dejiyo.

Markabkan siday Sokortan tayo ahaan la sheegay iney xumaatay ayey dowlada Kenya waxay ku amartay in lagu celiyo waddankii marka hore laga soo daabulay ee Brazil.

Go aan kan dib u celinta Markabka siday Sokorta ayaa soo baxay kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya uu diiday in Sokortaasi gabi ahaanba gasho dalka Kenya sabab la xiriirta dhanka tayo xumada badeecada.

Dhowr Hay’adood oo uqaabilsan dhanka maamulka canshuuraha, Maamulka dekedaha, ciidanka Badda iyo adeegga sirdoonka Qaranka Kenya ayaa isku raacay in Sokortani aanay tayo iyo bedqab toona laheen lana ogolaan karin in ladejiyo sokortan.
Nooca Markabka oo loo yaqaan MV Iron Lady ayaa ka dib ka soo shiraacday dekedda Mombasa ee dalka Kenya isagoo sida Sokortii dib loogu soo celiyay, balse xiriir dhexmaray ganacsato Soomaali ah oo iska leh sokortan iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa fududeeyey in Sokortaas xumaatay oo dalkale iska soo diiday Muqdisho lagu dejiyo.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in dejinta Sokorta uu sido Markabkaasi ay ka billaabatay dekedda Muqdisho, waxaana la soo gelin doonaa Suuqyada magaalada moqdisho maalmahan soo socda.