Markab ay leedahay shirkada MAERSK LINE ee ah shirkada ugu weyn caalamka ee daabusha Konteerada ayaa maanta ku soo xirtey dekeda magaalada Muqdisho.

Boqolaal konteenar ayaa saaran markabkan iyadoo maamulka dekeda Muqdishana uu sheegay in shirkadda MAERSK LINE ay si caadi ah uga shaqeyn doonto dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirkadda MAERSK LINE oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunteenaradda.

Shirkadda  MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida (Global Leader in Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan ayaa waxaa laga leeyahay dalka Denmark.

Dekedda Muqdisho ayaa waxaa hore uga howlgali jirey shirkadaha MSC iyo CMA-CGM oo ah Shirkadaha ku jira Kaalmaha Labaad iyo Saddexaad ee Daabulista Kuntaynarada Dunida.

Sidoo kale waxaa la filayaa in dhamaadka sanadkan inay dekeda Muqdisho ku soo xiran doonaan maraakiib ay leeyihiin shirkadaha Evergreen, China Shipping Line.