Kismaayo-Ayaamaha-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Kismaayo ku dilay Nin la sheegay inuu katirsanaa Maamulka Kismaayo.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Buula Ibrahim waxaana uu ahaa Guddoomiyihii Xaafadda Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ragii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen, isla markaana waxaa durbo gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland, kuwaasi oo goobta ka soo qaaday Meydka Marxuumka la dilay.

Kismaayo ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha, waxaana inta badan dilalkaas sheegtay Al-shabaab.