Balcad-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Kolonyada lagula eegtay xili ay marayeen deegaanka Gololey oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Balcad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidka qaraxyada lala eegtay uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maaliyada Gobolka Shabeellaha Dhexe Shitaawe iyo xubno kale oo ka tirsan Hirshabeelle.

Goota Qaraxa ka dhacay ayaa haatan kacsan,waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya.

Dagaalyahanada Al-Shababa ayaa inta badan weeraro dhab gal ah ku fulisa waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.