Maxaa dhaxmaray “Fahad Yaasiin Hooyadiis iyo Hooyada dhashay” Ikraan Tahliil?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shire oo wareysi gaar ah bixinayay ayaa waxa uu sheegay iney isla hadleen Fahad Yaasiin Hooyadiis iyo waliba Qaali Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil.

Qaali Guhaad ayaa wacday Fahad Hooyadiis oo ku nool wadanka Australia waxaana ay u sheegtay in gabadheeda Ikraan ay ku maqantahay gacanta wiilkeeda Fahad Yaasiin.

Intaas kadib Fahad Hooyadiis ayaa wacday waxaaana ay ku tiri” Waryaa Fahadow gabadhee yareyd ee agtaada ku soo kortay miyaa maanta gacantaaada ku maqan”

Islamarkiiba Fahad ayaa soo wacay Qaali Guhaad oo ah Hooyada Iktaan Tahiil waxaana uu ka dalbaday in Laba maalin la siiyo si uu u soo ogaado halka ay ku maqantahay.

Shire Guhaad oo xogtan bixiyay ayaa xusay in hadda ay ka soo wareegatay Saddex Cisho islamarkaana wax jawaab ah uusan keenin Fahad.

Ikraan Tahiil ayaa gurgigeeda laga waday 26-juun ilaa hadana lama oga nolol iyo geeri waxa ay ku sugan tahay balse waxey katirsaneyd hay’adda NISA.