Maxaa iminka ka socda Magaalada Muqdisho iyo Wararkii u dambeeyey?.

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Magaalada meelaha qaar waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah, waxaana socda saan-saan colaadeed iyo hub aruursi iyo abaabul dagaal. xalay ayey aheyd markii ciidamo isku sheegay inay yihiin badbaado qaran ay shir jaraa’id ku qabteen meel u dhow Taalada Sayidka ee u dhow Villa Somalia.

Xaalada Magaalada ma ahan mid laysku hubo meesha ay ku danbeyn doonto, inkastoo isku socodka dadweynaha uu caadi yahay, hadana xilikasta waxaa la filinkaraa isbedel dhanka amniga ah.

Kaddib marki madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu sheegay inuu shaqada ka joojiyey Ra’isal wasaaraha xil gaarsiinta ah ee Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo oo rooble ku eedeeyey inuu soo galay tuhun mususqmaasuq iyo ku takri fal dhul dan guud ah inta uu baaritaanka socda uu ka dhammaanayana shaqada uu ka jiijiyey.

Ra’isal wasaaruhuna tallaabbada madaxweynaha uu shaqada kaga joojiyey wuxuu ku tilmaamay mid baal maarsan dastuurka iyo sharciyada dalka Soomaaliya.

Xiisaddi sidaa ku soo billaabatay ayaa cirka isku sii shareertay kaddib marki la sheegay iney ciidamo ka amar qaato Villa Somalia la geeyey xafiiska ra’isal wasaaraha.

Ciidamadaasi oo uu ra’isal wasaare Roble uu ku tilmaamay iney ahaayeen kuwo loogu talagalay iney ka hor istagaan xafiiskiisa inuu u soo shaqa tago. Tallaabbada ciidamada lagu geeyey xafiiska ra’isal wasaarahana wuxuu Rooble ku tilmaamay afgambi dhicisoobay.

Dadaal ay sameeyeen taliyayaasha Milatariga iyo Booliska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay iney ciidamada laga qaado xafiiska ra’isal wasaaraha.