HARGEYSA-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo hadda saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in waftigii Somaliland ku matalaayay shirka Jabuuti ay hadda amba-baxayaan.

Wasiirku waxaa uu intaas ku daray in xubnaha shirka ku matali doona Somaliland ay ka kooban yihiin: Madaxweyne Biixi, Guddoomiyaha Guurtida, Afar wasiir iyo Dr. Edna Adan Ismaaciil.

Shirka ayuu sheegay in ay agaasimeen dawladdaha Mareykanka iyo Jabuuti ee an walalaha nahay.

Dhanka kale Madaxda uga saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lafilayaa inay goordhow oa dhoofaan garoonka diyaaradaha aadan cadde.