Muqdisho-Ayaamaha-Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga dareemayaa inuu soo hagaagagay iyadoo ay yaraantay dilal kii iyo qaraxyadii Fara badanaa ee ka dhici jiray Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano “dhar cadka ” ayaa la xoojiyay iyadoo tiro dhalinyaro ah lagu daadiyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan oo ku hubeysan bastoolad ayaa waxba kaga duwaneyn dhalinyaraa xaafadda,waxayna mararka qaar fuliyaan howlgalada basaasnimada ah (Jaajuus) iyo iney durbadiiba ka jawaabaan dhacdooyinka agagaarkooda ka dhaca.

Dadka sida aadka ah ugu xeel dheer amniga ayaa qaba in Al-Shabaab looga guuleystay Muqdisho,islamarkaana mudo 3-bil ku dhow wax qarax iyo dilal ah ka fulin,balse iyagana qudhooda nolosha lagu qabtay

Dowladda ayaa xil weyn iska saartay amniga Muqdisho,inkastoo lagu dhaliilo iney xirtay wadooyinkii Muqdisho oo gaadiidka ay ku kala nafisi lahaayeen.

Deganaasho iyo xasilooni nabadeed ayaa laga dareemayaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana isgoysyada waa weyn ee magaalada laga arkayaa ciidamo aad u feejigan oo amniga sugaya.