Maxaa isku awood ka dhigay kooxda Ahlusunna iyo Ciidanka Dowladda Federalka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda  Federalka ayaa Ciidamadii ugu badanaa abid u dirtay maanta magaalada Guriceel kuwaa oo laga waday magaalada Muqdisho

Ciidamadan ayaa ka  kooban kuwa GorGor iyo Haramcad kuwaa oo ku xareysnaa xerooyin waa weyn oo  ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa loo qaaday magaalada Guriceel si ay ula dagaalamaan Ahlu-Sunna iyadoo maalintii Saddexaad maanta uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeey Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda.

Dagaalka socda ayaa khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay waxaana ku dhintay askar farabadan oo labada dhinac katirsan.

Askarta dagaalkaas ku dhintay ayaa kor u dhaafaya 60 askari oo ka kala tirsan labada dhinac ee ciidamada ku dagaalamaya Guriceel.

Majirto koox gaar ah oo sheegan karta iney horumar ka gaareen dagaalka Guriceel balse waxaa jira in dhowr jeer ay kala qabsadeen dhinacyada iska soo horjeedo goobo startigic ah oo katirsan Guriceel.

Waxaa is weydiin mudan in ciidanka dowladda federaalka noocyadiisa kala duwan layskugu geeyey Guriceel hadana ay dagaal kula jiraan seddex maalmood oo ay so afjari la’yihiin kooxda Ahlusunna oo ah yar.