Maxaa ka jira in Ciidankii Bad baado Qaran laga jartay mushaarkii kuna soo wajahan yihiin Muqdisho?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawlada Soomaaliya ayaa la ogaaday in mushaarkii ay ka jaratay ciidamadii ka qeyb qaatay kacdoonkii Muqdisho bilo ka hor.

Ciidanka oo ka mid ahaa Bad baado Qaran ayaa waxa la sheegay in xeryihii ay ku laabteen bilo kadib hadda ay wajahayaan mushaarkii dawlada siin jirtay in laga jartay.

Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka midna kama aysan hadlin arintaan iyo waxay salka ku heyso.

Maalmo ka hor waxaa soo baxday in General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ay dawlada ka joojisay mushaarkii uu qaadan jiray.

Indhacade waxaa la xasuustaa inuu ahaa mid ka mid ah saraakiishii isku dayey inay afgembi ku ridaan dawlada soomaaliya habeenkii muddo xilleedka uga dhamaaday Farmaajo 7 febraayo 2021-ka.

Waxaa laga cabsi qabaa in ciidankii hubeysnaa ee muqdisho laga saaray in dib usoo laabtaan islamarkaana dadka ay ka digayaan in aag dagaal Muqdisho mar kale noqoto si la mid ah bishii April oo magaalada dagaal ka dhacay gudaheeda.