Muqdisho-Ayaamaha-Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay wado abaabul bannaan bax looga soo horjeedo Madaxdii hore ee Soomaaliya ee sheekh shariif iyo xasan sheekh oo maalmaha kulamo kawaday magaalaada Muqdisho

Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray sheekh shariif iyo Xasan sheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay wadeen dhaqdhaqaaqyo iyo dhaliilo ka dhan ah dowladda federaalka soomaaliya.

Xisbiyada iyo siyaasiyiinta ayaa mudooyinkii dambe waxay culeysyo siyaasadeed ku haayeen dowladda federaalka waxayna ku midoobeen hal xisbi oo siyaasadeed waxayna  Muqdisho ka wadeen kulamo siyaasadeed iyo dhaliilo ay dowladda Federaalka ugu soo jeedinayeen qaabka ay wax u waddaan.

Sida aan wararka ku heleyno abaabulka bannaan baxyada ayaa waxaa wado gaar katirsan Dowladda hoose kuwaasoo xubno firfircoon ku leh Degmooyinka Gobolka Banaadir.