Muqdisho-(Ayaamaha)-Xog gaar ah aan helnay ayaa sheegaysa in Mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amniga Soomaaliya ay xogtan digniin dhanka amniga iyo warbixin ay la wadaageen dad gaar ah waxayna sheegaysa in weeraro ka dhici karaan magaalada Muqdisho.

Warbixinta ayaa loo gudbiyay Mas’uuliyiinta maamulka Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Ururka Haweenka Qaranka waxayna u sheegeen in ay soo gaartay warbixin sheegeysa in Al-shabaab ay damacsan yihiin in ay soo weeraraan dhismaha Guriga Hooyooyinka.

Hey’adaha amniga ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka baaqatay ama ay ku adkaatay in mar hore ay soo weeraraan dhismaha Hooyooyinka sida lagu ogaaday xog la helay balse ay hada dib isu abaabuleen.

Xogtaan aan Ogaanay ayaa sheegaysa in masuuliyiinta amniga ay u sheegeen Saraakiisha Booliiska iyo Milateriga Koofiya Casta in laba gaari oo qaraxyo wada ay Muqdisho ku jiraan.

Nooca labada Gawaari ayaa mid kamid ah lagu sheegay in uu yahay nuuca waawayn ee Xamuulka qaada, halka kan kalane lagu sheegay gaari yar oo nuuca raaxada ah.

Sidaan oo kale ayaa Hore loo soo saaray digniin iyo cabsi laga qabo in la soo weeraro dhismaha Guriga Hooyooyinka waxaana maalmo kadib digniintaasi la wareeray Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.