Muqdisho-Ayaamaha-Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha bulshada lagu faafiyey Warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay codsi ahaa in la bedelo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Idaacadaha magaalada Muqdisho qaarkood iyo baraha bulshada ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga baahinayay war aan la xaqiijin oo sheegaya in Ra’isul Wasaare Kheyre u aqbalay in uu is casilo.

Xiriiro aan la sameenay xubno katirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oon jirin, waxa ayna ilahaasi noo xaqiijiyeen in aysan labada masuul isku soo hadal qaadin is casilaad iyo wax lamid ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo badan yeeshay, waxa ayna inta badan kawada hadlayeen xaalada siyaasadeed ee hada taagan iyo sidii dowladda xal uga gaari laheyd sida ay noo xaqiijiyeen ilo Villa Somalia ku sugan.

Idaacadaha ama warbaahinta shaacisay in uu aqbalay in uu shaqada ka tago Ra’isul Wasaare Kheyre ayaan soo bandhigin xaqiiqo lagu kalsoonaan karo, waxa ayna kaliya sheegeen in warkaasi u sheegeen xubno ay ku kalsoon yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku dhameestay khilaaf la’aan , mana jirto ilaa hada wax khilaaf ah oo lasoo wariyay in uu ka dhaxeeyo labada masuul.
Isbuucii la soo dhaafay ayaa Siyaasiyiin mucaarad ah waxaa ay ku shjireen magaalada Nairobi ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu meesha ka saaro Ra’isul Wasaare Kheyre, dalabkaasi ayaana la sheegay in Madaxweynaha uusan kasoo qaadin wax micno leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre u Magacaabey xilkaas waxa uu sheegay in ay afarta sano isla dhameysan doonaan, iyada oo laba sano oo ka mid ah ay khilaaf la’aan wadashaqeeyeen.