Xog hoose aan helnay ayaa waxay sheegaysaa in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu berri Safarkale ugu ambabaxi doono magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka qeyb galay Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Saaka ayey aheyd markii Agaasime kuxigeenka Hay’ada NISA Fahad Yaasiin u dhoofay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya labo sano kaddib ay soo wajahayaan dhibaatooyin dhaqaale xumo iyo dagenaansho la’aan siyaasadeed.