Muqdisho-(Ayaamaha)-Xog hoose oo an heshay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qafiifisay Shuruudaha ay ku xirtay sii deynta Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Mukhtaar Rooboow ayaa odayaal kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ay ku booqdeen xabsiga uu ku jiro, iyagoo u gudbiyay Shardi ay sheegtay Dowlada inay ku deyneyso kaasoo ah inuu Ciidamadiisa ku wareejiyo Dowlada Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Dad xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Mukhtaar Roobow uu diiday inuu ciidankiisa ku wareejiyo Dowlada, isagoo taas bedelkeeda doortay inuu xabsiga ku jiro.

Arrinta ayaa Mukhtaar Roobow oo dhowr isku day ka fashilantay ayaa u muuqata inay sii xumaaneyso, iyadoo Odayaasha Koofur Galbeed ay quus ka joogaan sii deyntiisa maadaama Villa Somalia ay ku adkeysaneyso Go’aano adag.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo hore u balanqaaday inuu soo deyn doono Abuu Mansuur ayaa ku fashilmay.