Maxaa ka jira in Qoorqoor, Lafta-gareen,iyo Cali Guudlaawe ay diidan yihiin inay taageeraan war-saxaafadeedkii Rooble?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo Ra’issul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble kaasoo aad looga hadal haayo gudaha iyo dibada.

War saxaafadeed ka soo baxay villa somalia ayaa ayaa lagu joojiyey in dhammaan Hay’adaha dowladda iyo xukuumada in wax heshiis ah aan geli karin muddada lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

Dhanka kale war-saxaafadeed kale oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu jawaabay in xukuumadda ay xaq dastuuri ah u leedahay inay heshiis gasho, dalkana ayada masuul ka tahay marka loo fiiriyo dhanka sharciga, sida ay ku doodeyso xukuumadda xil-gaarsiinta uu hogaamiye Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in Rooble uu maamul goboleedyada ka codsaday in la taageero war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska xukuumadda balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in seddexda Madaxweyne maamul ee Koonfur-galbeed, HirShabeelle iyo Gal-mudug Lafta-gareen, Cali guudlaawe iyo Qoorqoor ay diidan yihiin inay tageeraan warqada xukuumada taas bedelkeedana ay kasoo horjeestaan madaxweyne farmaajo.

Si gaar ah Madaxweyne Qoor-qoor ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay in si deg deg ah ku taageero war-saxaafadeedka xukuumada, wuxuuna codsaday in waqti la siiyo, sida aan wararka ku heleyno.

Dhan kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa soo dhaweeyey warqada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna taageero u muujiyey Rooble. sidoo kale Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbalanad ayaa la filayaa in dhawaan uu soo saaro warqad lagu taageerayo Ra’iisul wasaare Rooble.

Arrintaan khilaafka cusub ee labada masuul ee igu saraysa dalka Farmaajo iyo Rooble ayaa laga yaabaa inay dib u dhigto doorashooyinka iyo howlaha kale ee ka socda dalka.