MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in heshiis hoosaad uu dhexmaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed hadana ah guddoomiyaha Xisbi siyaaseedka Sahan.

Heshiiska Ra’iisal wasaare Kheyre iyo C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ku saleysan mustabalka siyaasadda dalka iyo doorashada 2020/21 oo ay hal dhinac ka soo wada jeesan doonaan,sida aan xogta ku helnay.

Siyaasiyiin xubin ka ah Xisbiga Sahan ayaa inoo xaqiijiyay arrintan,waxaana labada mas’uul u socda wada hadal meel wanaagsan maraya,kuwaas oo laga yaabo in natiijadooda la arko marka soo dhowaanaadaan doorashooyinka dalka.

Waxaa maalmihii u dambeeyay soo baxayay khilaaf u dhaxeeyay Ra’iisal Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo,kaas oo salka ku hayo hanaanka loo wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo iney waqtigooda ku qabsoomaan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa diidan aragtida ah in mudo kororsi la sameeyo halka madaxweyne Farmaajo uu doonayo in waqtiga loogu daro hay’adaha dastuuriga ah si loo fuliyo balantii ahayd in doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhacdo.