Maxaa ka jira in Sirdoonka aduunka ay baadi goob ugu jira Xildhibaan Zakariye?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Zakariya Xaaji Cabdi, oo muddo ka tirsanaa xubnaha baarlamaanka Dowladda Federaalka, isla-markaana dhawaan lagu qabtay soo dejinta diyaarado aan sharci ahayn, ayaa inkiray nuuca diyaaradaha uu dalka keenay ee sawirradooda ay sida hoose u dusisay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoon Qaranka NISA.

Zakariye, oo wareysiyo badan iyo qoraallo kala duwan ka sameeyay arrinka diyaaradaha, ayaa sheegay in nuuca Drones-ka uu keenay Muqdisho uu yahay “DJI P4 Multispectral RTK Drone” taas oo ka dhigan in farqi weyn u dhexeeyo diyaaradaha muuqooda la baahiyay iyo kuwa uu sheegay Zakariye.

Diyaaradaha ku jira gacanta NISA, ayaa ah kuwa ‘Mugan UAV 3600’, kuwaas oo ah nuuca loo yaqaan [Suicide Drones], mana aha diyaarado loo isticmaalo waraabka iyo buufinta beeraha.

Inkiraadda nuuca diyaaradaha ee Xildhibaan Zakariye, ayaa ah rafasho xooggan, oo isaga iyo Farmaajo doonayaan in ay kaga baxsadaan kiiska diyaaradahan oo gaaray hay’ado sir-doon oo ka socda dalal shisheeye.

“Nooca uu sheegtay in uu dalka keenay waa nooc loo isticmaalo sahminta Beeraha, waa nooc loogu talo galay in lagula socdo cayayaanka beeraha wax yeeleeya si looga hortago. Balse Xildhibaan Zakariya Drones-ka uu keenay ma aha kuwa uu hadda sheegayo”. Ayuu yiri, Taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Ismaaciil Daahir Cusmaan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay, diyaaradaha ku jira gacanta NISA, kuwaas oo xoguhu caddeynayaan in ay la mid yihiin nuucayo ay hore Kooxaha Daacish iyo PKK u adeegsadeen dagaallada Syria iyo Iraq.

Xildhibaan Zakariye, wuxuu sheegay in uu diyaaradaha u waday degaannada Puntland oo ah halka fadhiga u ah, Daacishta Soomaaliya, hayeeshee, Taliska Siciid Deni, ayaa gabi ahaanba mamnuucay in degaannada maamulka la geeyo Drones.

Dhanka kale, Taliye ku xigeynkii hore ee Hay’adda NISA, Gen Cabdalla Cabdalla, oo ka mid ah shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee sida weyn ula socda dhaqdhaqaaqa NISA, ayaa dhankiisa  muujiyay walaac ku aaddan in diyaaradahan ay Zakariye, Fahad iyo Farmaajo u waden Kooxda Al-Shabaab.

Siyaasiyiinta qaar ayaa dhankooda rumeysan in diyaaradahaan loo adeegsan rabay khaarijinta siyaasiyiin reer Muqdisho ah, kuwo kale, ayaa aaminsan in loo waday Kooxda Dhaacish ee ku jirta buuraha Goolis, halka qaar kale rumeysan yihiin in loo sii gubinayay waqooyiga Itoobiya si loogu taageero TPLF.