MUQDISHO-AYAAMAHA-Baraha bulshada waxaa ku bahaay qoraallo been abuur ah isla markaana marin habaabin ah oo ku saabsan safmarka feyraska Korona.

Waxaan xaqiiqo baaris ku sameyneynaa qoraalladaas si weyn loo baahiyay.

Qalab la rumeysan yahay in cudurka uu kaa difacayo

Dadka waxay agabkan ugu yeerayeen ‘qalabkii difaaca’ waxay rumeysan yihiin in mid ka hortaggayo cudurka, waxaana lagu kala iibsanayay meelo badan oo dunida ka tirsan.

Qaar ka mid ah qalabka, waxaa ka muuqday calaamad cad oo istilaab ah oo si been ah loogu qoray ‘Qalabkii feyrsaka joojinayay’ ee gudaha Ruushka.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Ruushka ayaa xirtay xilli dhawaan uu shir uga furmay gobolka Duma ee dalkaas.

Si kastaba, Waaxda la socodka tayada cuntooyinka iyo dawooyiinka ayaa sheegtay in qalabkan la sheegay ay ku jirto maaddada chlorine dioxide oo ah mid halis ah, waxay sidoo kale sheegtay in arrinta ah in lagu daweyn karo feyraska Korona ay tahay mid been ah oo khiyaano ah.

BBC-da qeybta la hadashada Ruushka ayaa xildhibaan Andrei Svintsov oo kamid ahaa dadkii xirtay qalabka weydisay waxtarkiisa, wuxuu ku jawaabay in uusan garaneyn inay waxtar leedahay ama in kale balse uusan weli dareemin wax xannuun ah.

“Waxaan calaajiyay Sanjabiil, waxaan qaadanaya fiitaamiin C, dhammaan waxyaabaha qashinka ah ay Internet-ka ku sheegayaan ayaa isticmaalaa dhammaan, haddii wax kale la waayo”.

Afhayeenka madaxweyne Vladimir Putin, Dmitry Peskov wuxuu qabay qalab la mid ah midkan balse toddobaadkii la soo dhaafay waxaa la xaqiijiyay in Dmitry Peskov uu ku dhacay feyraska Korona, haddana wuxuu ku jiraa isbitaal.

Dr Wayne Carter oo ka tirsan jaamacadda Nottingham kuna takhasusay maadada biochemist ayaa sheegay in qalabka uusan ka hortaggi karin cudurka.

Maandooriyaha Xashiishka

Kumannaan kun oo qof ayaa faafiyay qoraallo muujinaya in xashiishka lagu daweyn karo feyraska Korona, halka ciwaanka qorollaada ay ahaayeen kuwo marin habaabin ah.

Waxaa meelo ka tirsan dunida ka socdaa tijaabo lagu sameynayo in Xashiishka lagu daweyn karo cudurka, waxaana ka mid ah Canada, Israa’iil iyo UK, waxay wadaan baaritaanno ah in maandooriyahan loo adeegsan karo daweynta cudurka Covid-19.

Xashiishka dawada ah waxaa la ogaaday in uu yareyn karo xaasaasiyadda ka dhalan karto jirka marka uu dhaawac soo gaaro- jawaabtan ka dhalatay difaaca jirka waxaa sidoo kale lagu arkay bukaanada uu ku dhacay fayraska Covid-19.

Tijaabadan waxay mareysaa marxaladaha ugu horreeyay. Dhawaan waxaa lagu wadaa in la soo saaro natiijada ka soo baxda in maandooriyaha xashiishka lagu daweyn karo bukaanada uu ku dhacay fayraska Korona ama in kale.

Mid kamid ah maqaallada ayaa lagu soo bandhigay barta Facebook kaas oo fidinayay warar been abuur ah. Ninkii qoray maqaalka ayaa barta PolitiFact u sheegay in ciwaanka maqaalka ‘laga badbadiyay’ kaas oo ahaa in xashiishka laga yaabo in uu ka hortaggi karo feyraska.

Isku dayga ah in xashiishka uu dawo u yahay cuduro kala duwan waxay soo jiitay indhaha caalamka sannadihii u dambeeyay iyadoo ay soo baxayaan caddeymo kala duwan.

Isha: BBC