MUQDISHO-AYAAMAHA-Xoggo hoose aan helnay ayaa ku ogaanay in Madaxtooyada Dalka looga arimiyo ay ku mashquulsan tahay ilaa xad in doorashada ay dib udhacdo.

Dad ku sugan Madaxtooyada oo aan xogtaan ka helnay ayaa inoo dusiyey in muddo labo Sano ah uu doonaayo madaxweyne Farmaajo  in dib loo dhigo doorashada soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda Dalka ugu sareysa ay ku kala aragti duwan yihiin in labo sano dib loo dhigo doorashada.

Dhanka kale labada Gudoomiye Baarlamaan ayaa isku raacay in doorashada Wakhtigeeda la qabto,taas oo xaalada kaga dhigi karta Xargihii siyaasadeed uu Farmaajo xir xiray in dib loo fur furayo.

Nabad iyo Nolol weli kuma aysan dhawaaqin Nuuca Doorashada Soomaaliya ka dhaceysa,sidoo kalena ma jirto Qorshe ay rabtay in ay kusoo ban bixineysay Xisbigii Siyaasadeed Ee Dawladu Madaxdeeda wateen.

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka ayaa isha ku haya Doorashada Soomaaliya 2020/2021 ee la filayo inay dhawaan dhacdo.