Muqdisho-Ayaamaha-Fariimo codsi xilka qaadis ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay la sheegay in ay ku dhacayeen Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxay tani ka dambeysay kadib Amni daro hor leh iyo in Dawlada lagu eedeeyey Mas’uuliyiinteeda amniga in ay la shaqeeyaan Ururka Al Shabaab.

Wasiirka koobaad Ee Soomaaliya Kheyre ayaa waxa fariimaha ay kaga yimaadeen Siyaasiyiin iyo Saraakiil hore oo Dawladii Kacaanka katirsanaan jiray.

Waxay talo ahaan usoo jeediyeen inuu isbadel ku sameeyo Wasiirada Gaashaandhiga iyo kan Amniga si kalsoonida Shacabka ay usoo laabato.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow ayaa tiro dhowr jeer ah waxa la codsaday in xilka laga xayuubiyo balse lama oga sida go’aanka Kheyre noqon doono.

Xasan Amar Dambe oo ah wasiirka Difaaca ayaa shaqadiisa noqotay isna sida lagu dhaliilay inuu safaro dibada ah iskaga baxo oo dhinaca gaashaandhiga ay khaladaad badan jiraan iyo wax isdaba marin Saadka iyo Saanadaha ciidanku isticmaalaan.

Weerarkii Hoteel SYL ayaa baal kale furi kara oo xilka qaadis lagu sameyn karaa Saraakiisha ugu sareysa Laamaha amniga.