Muqdisho-Ayaamaha-Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa la sheegay inay labo garab u kala jabeen ka dib markii ay isku fahmi waayeen qodobada qaar oo loo baahnaa in si wadajir ah loo fuliyo.

Masuuliyin ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa inoo sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud uu ku qanci waayay hoggaanka Madasha gaar ahaan Sheikh Shariif oo ah hoggaamiyaha Madasha iyo guddoomiyaha Shariif Xasan oo labo dhinac wax u kala wada.

Xasan Sheikh Maxamuud Madasha adasha Hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa isaga haray Madasha wuxuuna bilaabay inuu xoogga saaro howlaha Xisbigiisa,isagoona durba bilaabay inuu xafiisyo KMG ah ka furto dalka dibadiisa.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa dhankiisa dardar gelinaya howlaha Xisbiga Himilo Qaran oo uu guddoomiye u yahay,wuxuuna safaro shaqo ku joogo dalka dibadiisa.