Muqdisho-Ayaamaha-Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,kaas oo si aad ah looga dareemayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sida xogta aan ku helnay Fahad Yaasiin ayaa ka horyimid qorshe la waday oo ku aadan in Ra’iisal wasaare Kheyre laga dhaadhiciyo inuu qeyb ka noqdo Xisbiga weyn ee ay soo wadaan Madaxda Dowladda Federaalka,kaas oo mar hore Kheyre uu ka biyo diiday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u bandhigay Ra’iisal wasaare Kheyre fursad uu uga mid noqon karo Xisbiga uu soo wado,islamarkaana uu gacan ku siiyo sidii mar kale xukunka uga soo noqon lahaa.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dalabka madaxweynaha ka madax adeegay,isagoona u sheegay inuusan xilligan diyaar u ahayn inuu Xisbi siyaasadeed ka mid noqdo.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa tibaaxaya in Ra’iisal wasaare Kheyre uu damac kaga jiro inuu tartan madaxweyne galo 2021,islamarkaana uu rajo weyn ka qabo inuu guuleysanayo.

Khilaaf culus ayaa ka taagan soo bandhigida Xisbiga weyn ee Madaxda Dowladda,iyadoo mucaaradka ay ku eedeeyeen Dowladda ineysan wali shaacin Xisbigooda,taasi oo suurta gal ka dhigeyn in doorasho qof iyo cod ah la qabto Xisbi la’aan.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dhawaan shaaciyay inuu soo soco Xisbiga weyn ee Dowladda,isagoona dhalinyarada ugu baaqay iney sii diyaargarowbaan.