Kismaayo-Ayaamaha-Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu wajahayaa Xaalad go’doon ah.

Deegaan duleedka kaga began Degmada Ceel waaq Ee Gobolka Gedo ayaa lasoo sheegayaa in uu ku xayiran yahay.

Warar ayaa sheegaya in Mas’uulkani oo saraakiil ciidan la joogaan ay sahaydii ka go’day ayna Ceel waaq Kenya ka doonan karaan keliya wixii ay ubaahdaan.

Maanta ayaa la sheegay in Deegaano uu tegi lahaa laga hor istaagay Mas’uulkani katirsan Hogaanka Jubbaland kadib markii siyaasadii Jubbaland inta badan la hor istaagay deegaanada Gobolka Gedo.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhabar jebin kusameysay Xargihii uu hore u xir xiray Axmed Madoobe Ee Gobolka Gedo,ayna dhawaan ciidan badan oo Daraawiishta Jubbaland ka wareegeen.

Diyaarad ayey Markii hore ku tegeen Mas’uuliyiintani waxaana ay Sahmin iyo duulaan la qaadi rabo ka wadaan Deegaanada Dawlada ay la wareegtay Ee Jubbaland gacanteeda ka baxay.

Kismaayo ayaa laga yaabaa in ciidamo Jubbaland ka socda ay ka baxaan sida ilo wareed lagu kalsoon yahay xaqiijinayaan.