Muqdisho-Ayaamaha-Xog hoose oo aan helnay ayaa sheegeysa in Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow uu aqbalay soo jeedin uga timid madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan inuu shaqada isaga tago si dib u habeyn loogu sameeyo xaalad amni ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow ayaa waxaa uu aqbalay inuu xilka iska casilo maadaama uu ku fashilmay sugida amniga dadka iyo dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Maxamed Abuukar Isloow ayaa Mudada uu Wasiirka xilka hayo waxaa dhacay Qaraxyo waa weyn oo dad badan ay ku dhinteen,waxaana xusuusta shacabka Soomaaliyeed ka go’in Qaraxii 14kii October ee Isgoyska Soobe,kaas oo dad badan ay ku dhinteen,ku dhaawacmeen kuwo kalena ilaa iyo hadda xaaladooda caafimaad aan wanaagsaneyn.