Muqdisho-(Ayaamaha)-Xog hoose aan helnay ayaa waxaa ay sheegaysaa in Daahir Maxamuud Geelle, wasiirka warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya ay u muuqdo inuu ka dhici doono tareenka xawaaraha badan ee kooxda la baxday Nabad iyo Nolol ee xiligaan ka arimisa Somalia.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Geelle oo laga soo badalay safaarada Sacuudiga ayaa la sheegay inuusan noqon sidii ay rabeen Farmaajo iyo Kheyre. Gaar ahaan ma sameeyo amaantii ay rabeen inuu saxaafada lasoo hor istaago. Dahir wuxuu noqday wasiir aqiyaar ah oo aan u dhaqmin karin sida dhalinyarada xukunka maanta heysa, oo cisho iyo casirba Farmaajo iyo Kheyre amaanaya sidii iney tahay shaqo maalmeed.

Dad xog ogaal ah oo ku dhow dhow xafiiska madaxweynaha ayaa inoo sheegay in wasiir Dahir Geelle la radinaayo qofkii lagu badali lahaa. Waxaa loo baahan yahay qof walba walba oo dhihi kara waxyaabaha ay Farmaajo iyo Kheyre ka xishoodaan.

Sidookale Farmaajo ayaa lasoo tabinaya inuu ku baaqay in Eng Abdirahmaan Yariisow lagu soo celiyo wasaarada warfaafinta, oo maamulka gobalka Banaadir qof kale loo dhiibo, balse ra’iisul wasaare Kheyre ayaa diidan in Yariisow laga qaado gobalka isagoo ka cabsi qaba inuu yimaado qof Farmaajo ku dhow iyadoo taasna u muuqato in labada masuulba ay kala shakisan yihiin.

Wararka qaarna waxaa ay sheegaya in Kheyre uu doonaayo inuu magacaabo Eng Cabdulaahi Cali Xasan oo isna Waceysle ah, balse dadka ninkaas yaqaana waxey sheegeen inuu yahay nin go’aamo adag oo aan sidii la doono loo isticmaali karin. Farmaajo iyo Kheyre ma rabaan nin sumcadiisa ilaashanaya.

Geelle ayaa sidoo kale siyaasad ahaan la aaminsan yahay inuu ku mowqif yahay ex-madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo siyaasadana soo galiyay, taasina waa culees kale.