Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku guul dareestay in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Xog aan helnay ayaa ku ogaanay in isku daygii ugu dambeeyay ee Xildhibaan Mahad Salaad uu ahaa dhowr maalmood ka hor, waxaana ka hortaagan Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa inoo sheegay in khilaaf ka dhashay awoodii maamul ee Dowladdii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ku wajahneed dhismaha Galmudug ay sabab u tahay in Mahad Salaad uu tagi waayo Dhuusamareeb.

Maamulka Ahlusunna ayaa u aragta in cadaadis badan uu saaray Maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kaa shanayay mas’uuliyiin uu ugu waynaa Xildhibaan Mahad Salaad oo markaas wasiir ahaa, sidoo kalane saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Hogaamiyahii Waagaas ee Maamulka Ahlusunna iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo dhowr jeer la fariistay Mahad Salaad xiligaasi ayaa isku fahmi waayay arrimo la xariira Ahlusunna, waxaana markaasi bilaawday colaad oo taagan ilaa xiligaan.

Qaar kamid ah dhalinyarada degaanka gaar ahaan kuwa aad uga agdhow Mahad Salaad ayaa sheegay in Xildhibaanka uu u cadeeyay in muran uu kala dhaxeeyo Macalim Maxamuud iyo Sheekh Shaakir.

Xildhibaan Mahad Salaad oo mudooyinkii dambe bilaabay kulamo wadatashi ah uu la qaadanayo dhalinyarada iyo Odayaasha ayaa wajahaya Cadaadis adag. Kulamada uu wado ayaa u muuqda kuwa uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu hada bilaabay Shirar wadatashi ah oo arintaasi ku aadan.