Hay’adda uqaabilsan Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa bilowday daabacista Baasaboorka Somaliya, ayadoo la ogyahay in labadii bilood ee la soo dhaafay caqabad wayn ay ka taagnayd in la helo Baasaboorka Soomaaliya.

Shirkaddan u qaabilsan daabicista Baasaboorka Soomaaliga oo gacanta ku hayaan rag Masaari ah ayaa lasoo sheegayaa inay billaabeen afartii Cisho ee la soo dhaafay daabicitaanka Baasaboorka oo dad badan oo Soomaaliyeed ay u xanibnaayeen.

Waqtigii hakadka uu ku jiray helida Baasaboorka Soomaaliya ayaa sababta waxa ay aheyd in uu dhamaaday mudada heshiiska Shanta sano ee Shirkadda daabicista Baasaboorka horay ay u siisay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dowladan Farmaajo ay doonaysay inay qandaraaska daabicista Baasaboorka Soomaaliga ay ka wareejiso Shirkadaasi xilli aysan helin Shirkad kale, balse ay isku dayday in hal sano heshiis ah loo saxiixo Shirkadda inta laga helaayo Shirkad kale, arrintaasi oo ay ku gacan seyrtay Shirkadda daabicista Baasaboorka Somaliga.

Faahfaahin lagama helin sida loo xaliyay caqabadaasi taagnayd, balse daabicista Baasaboorka ayaa dib loo bilaabay, waxaana dadka ay yihiin kuwa aad u soo dhaweeyay xalinta mushkiladan taas dhalisay in dad badan aya hakad galeen safaradii ay aadi lahaayeen.

Dad u badan arday, ganacsato & dad xanuunsan oo arrimo caafimaad awgeed u bixi rabay ayaa u xanibnaa mudadii Baasaboorka hakadka kujiray.