Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay yeelanayaan kulankoodii caadiga ahaa,kaasi oo saacadaha soo socda ka furmaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kullanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa ah   U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha Guddiga ladagaalanka Musuq Maasuqa.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Kulamadda Xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan kulanka, islamarkaana Cidii maqnaata lala xisaabtami doono.