Maxaa looga hadlay kulankii Madaxda dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xalay Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur  Galbeed & Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, kulankaas oo looga hadlay arrimaha la xiriira muranka ka taagan doorashooyinka.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga doodeen is mari waaga ka taagan arrimaha doorashada iyo go’aanki Xukuumadda, iyadoo Madaxweyne Lafta Gareen uu markii dambe qaatay door ku saabsan xalka arrimaha cakiran si la isgu soo dhawaado.

Wararka kale ee kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay ka dalbadaeen Midowga Musharaxiinta inay u soo gudbiyaan magacyada xubnaha Guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen, hayeeshee shalay Musharax Daahir Geelle uu sheegay in sababo amni dartood aysan u gudbin doonin Magacyada xubnaha kujira Guddiga ee ka tirsan NISA.

Ugu dambeyn Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ka codsaday Midowga Musharixiinta inay la hadlaan Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inay soo magacabaan Guddiyada doorashada ee aanay weli soo gudbin, si howlaha kala taagan la isugu soo dhoweeyo.