Maxaa Looga Hadlay Shirkii Toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa todobaadkaan looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, Gurmadka Fatahaadaha iyo Xaaladda Caabuqa COVID-19, Waxaana sidoo akle looga hadlay arrimo kale.

Sidoo kale Shirka ayaa maanta waxaa Golaha Wasiiradu ay ku Ansixiyeen habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed.