Maxaa looga hadlaya kulanka Aqalka Sare ee hadda socda?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa, kadib kulankii Maanta Golaha ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo wareegto soo saaray ayaa waxaa Madaxa hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare loogu magacaabay Senatar Zamzam Ibraahim Cali, halka ku-xigeena looga dhigay Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama).

Fadhigii Guud Golaha ee maanta oo ay soo xaadireen 39 Senator ayay xubnaha Goluhu xilka hab-dhowrka u ansaxiyeen.

1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.

Magacaabista labadaan xubnood ayaa waxaa Ansixiyay Senatorada Aqalka Sare oo qaab gacan taag ah ku meel-mariyey, waxaana wareegtada magacaabista kahor Akhriyay Golaha Xoghayaha Aqalka Sare.