Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 4/1/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah:

U codeynta Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada badan.

Akhrinta 3aad ee wax ka badelka Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada.

Xildhibaanada ayaa  dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .