Muqdisho-Ayaamaha-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inay halkaas ka dagtay diyaaraddii siday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn diyaaradooda loo ogolaaday inay ka degto garoonka Beledweyn, iyadoo intii diyaaradda hawada ku jirtay mar lagu wargeliyay in aanay soo degi karin, balse wada hadalo kaddib loo ogolaaday inay degto.

Diyaaradda siday Madaxweynayaashii hore, inta aysan degin ayay qolada hagta raadaarka ku wargeliyeen in aysan degi karin, roobab ka da’ay magaalada, markii diyaarada kala wareegtay oo ku dhowaad nusa saac maqneyd ayay hadana dib u soo laabatay duuliyaha diyaaradda wuxuu ku adkeystay inuu diyaarada dejiyo,

Wariyaasha kusugan Garoonka magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Biyo fadhiya uusan arkin oo diyaarad Xamuul ah ay hore utaallay ka hor inta aysan wafdiga ka dagin magaalada.

Ciidamada Jabuuti Ee garoonka maamula ayaa waxa la sheegay inay mar is hortaageen Wafdigaan oo sahay Gar gaar ah usiday Bulshada Reer Beled weyne Oo Daadad saameeyeen.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in is afgarad dhacay awgeed loo ogolaaday in diyaaradaasi ay ka degto Beled weyne balse dhowr mar ayey Hawada ka laabatay oo mar ayey Muqdisho kusoo laaban rabtay.