Dhuusamareeb-Ayaamaha-Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in muddo todobaad ah la hakiyey howlaha doorashada Galmudug ee ka socday Magaaladaas.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay,kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay Go’aamisay in wada-hadal lala furo hoggaanka Ahlusunna oo haatan saluugsan sida ay dowladda federaalka u wajaheyso dhismaha Maamulka Galmudug.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud ahna xiriiriyaha dowladda ee Arrimaha Galmudug sidoo kalena uu dhalay hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlusunna ee Macalin Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu tago Magaalada Dhuusamareeb.

Xog lagu Kalsoonan karo ayaa waxay sheegeen in maalmaha soo socda dib loo bilaabi doono wada-hadallada si Ahlusunna looga qanciyo tabashada ay ka qabto sida lagu wado dhismaha Maamulka Galmudug.