MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee ku bahoobay wadamo badan oo caalamka kamid ah ayaa waxaa uu leeyahay kuraas joogto ah iyo kuwa aan joogto aheyn.

Kuraasta ayaa waxay ka kooban tahay 15 kursi, shan kamid ah kuraastaas waa joogto, lama bedelikaro oo waxaa ku fadhiyo wadamada aduunka ugu awooda badan (veto power) sida Maraykan, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Toban kale ayaa waxay ku wareega wadamada kale ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, labadii sano mar ayaana laga soo dhe doorta wadamada golaha guud ee Qarammada Midoobey.

Kuraastaan aan joogtada aheyn kursi kamid ah aya maanta oo arbaco ah 17-06-2020, waxaa ku tartamaya dalka Djibouti iyo Kenya, kii ka mid noqon lahaa golaha joogtada aheyn ee qarammada midoobey.