MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo sidoo kalena noqonaya kii labaad ee muddo xileedka Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii uu Farmaajo magacaabay markii xilka loo doortay Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamanku ay sheegeen inay xilka ka qaadeen 25-kii July.

Magacaabista cusub ee laga filayo madaxweyne Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay oo kaliya lix bilood.

Haddaba ra’iisul wasaare sidee ah ayaa looga fadhiyaa madaxweynaha? Muxuu madaxweynuhu ka rajeynayaa Ra’isul Wasaaraha cusub, shacabkase maxay ka filayaan Ra’isul Wasaaraha soo socda?

Madaxweynaha farmaajo ayaa doonaya ra’iisul wasaare karti badan oo wax badan ka fahsan siyaasada oo samatabixin kara xaalada dalka uu ku sugan yahay.

Farmaajo ayaa shakhsiga noqonaya ra’iisul wasaaraha ka raba qof aan isa soo sharxi karin oo garabkiisa noqon doona xiliga doorashada wadankana gaarsiin kara doorasho qof iyp cod ah balse dadka soomaaliyeed ayaa u baahan ra’iisul wasaare isku wadikara mucaaradka iyo muxaafadkaba kaas oo talada doorashada ka qeyb gelinkara dhammaan saamileyda siyaasada.

Xafiiska Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa aad u mashquulsana muddooyonka dambe waxaana buux dhaafiyey shakhsiyaadka doonaya xilka ra’iisul wasaaraha.