MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay damacasan tahay muddo kororsi sharciga waafaqsan, taasoo loo maro nidaam qaanuuni ah oo dastuurka KMG ahna u ogaalanaya inay sameyso Muddo kororsi.

Dowladda Federaalka ayaa laga yeeli doonin hadii ay qaanuunka talaabsato beesha caalamkana kama yeeleyso Mucaaradkana kama yeeli doonan sidoo kale shacabka soomaaliyeedna kama yeeli doonan balse waxay adeegsan kartaa nidaam sharciga waafaqsan oo u ogaalanaya muddo kororsi.

Qaanuun ahaan arrinta waxay dowladda uga talaabsan Kartaa in Baarlamaanka ay Aqlabiyad ka hesho oo loo cod bixyiyo oo ay ku guuleysato, cod bixintaas qaanuun ayey noqon kartaa, hadii looga adkaadana isaga harta hamigeeda muddo kororsiga.

Waxaa la Tuhunsan yahay Xildhibaano ilaa 60 meeyo ka badan inay ku jiraan Golaha Wasiirada shacabiyad farabadana gudaha Baarlamaanka Kuleeyihiin, hadii Xildhibaanada si ikhtiyaari ah oo dimoqraadi ah u codeeyaan, iyadoo dowladda siyaasadeeda riixeyso nidaam qaanuuni ah ayey dowladdu ku heleysaa waxay rabto.

Dhanka kale Mucaaradka ayaa ayaga dhankooda waxaa loogu baahan yahay inay Baarlamaanka Dhexdiisa ka Ololeeyaan si aqlabiyad uga helaan oo dowladda uga hor istaagan in Muddo kororsi ay sameyso.

Arrintaan ayaa keeni karto qalalaaso siyaasadeeda oo abuuri karta burburka iyo dagaal markale ka dhaca soomaaliya.

Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta Xildoonka ah ayaana ogalaan doonin xitaa hadii looga adkaada codbixinta baarlamaanka dhexdiisa waayo horay uma dhici jirin in Madaxweyne Muddo xileedkiisa Dhamaaday uu Cod Muddo kororsi ah uga Laabto Baarlamaan Waqtigiisi dhammaaday.