Saturday, October 31, 2020
Home Soomaaliya Maxaad Ka Ogtahay Taariikhda Fannaanka Dilkiisa Gilgilay Dalka Itoobiya?

Maxaad Ka Ogtahay Taariikhda Fannaanka Dilkiisa Gilgilay Dalka Itoobiya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-In ka badan 80 qof ayaa ku dhintay rabshadaha dalka Itoobiya ka socday labadii maalin ee la soo dhaafay, ka dib dilka fannaan lagu magacaabo Hachalu Hundessa oo u dhashay qowmiyadda Oromada.

Ninkaas oo 34 sano jirka ahaa, waxaa soo shaac baxay in uu ahaa shakhsi saameyn ku lahaa ururrada Oromada sannadihii la soo dhaafay, waxaana uu sameystay dad badan oo cadow ah intii uu ku jiray fanka.

Hachalu oo ay la dhasheen sideed qof oo kale waxaa uu sannadkii 1986 ku dhashay magaalada Ambo oo qiyaastii 100 kilomitir dhanka galbeed kaga began magaalada caasimadda ee Addisababa.

Wuxuu ka soo qeyb qaatay olole dadka Oromada ay ku dalbanayeen madaxbanaani, kuwaas oo dareemay in ay caddaadis kala kulmeen dowladihii Itoobiya soo maray oo mamnuucay kooxaha mucaaradka, xabsigana u taxaabay dadkii dhaliili jiray.

Sannadkii 2003, Hachalu oo 17 sano jir ahaa waxaa loo taxaabay xabsiga sababo la xiriiro dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee uu ku hawlanaa, wuxuuna xirnaa shan sano.

Aabihii ayaa markii uu xirnaa xabsiga ku booqan jiray wuxuuna ku dhihi jiray “xabsiga ragga way ku adadkaadaan”, isagoona intaa ugu laab qaboojin jiray.

Intii uu xabsiga ku jiray waxaa uu aad u dhex-galay siyaasadda, waxaana uu isku dayay in uu sare u qaado fahamkiisa ku aadan taariikhda dalkiisa Itoobiya oo ay ka mid ahayd taliska Haile Sellaasi.

Sidoo kale intii uu xabsiga ku jiray wuxuu sii xoojiyay xirfadiisa fanka.

“Ma garaneynin sida heesaha loo qoro illaa aan xabsiga galay oo aan soo bartay,” ayuu ku sheegay wareysigii ay BBC-da la yeelatay sannadkii 2017-kii.

Intii uu xabsiga ku jiray wuxuu allifay sagaal heesood, waxaana kuwoodi ugu horeeyay uu soo saaray sannadkii 2009-kii, ka dib markii uu xabsiga ka soo baxay.

Wuxuu diiday in uu dalka dibaddiisa u cararo

.

Markii uu soo saaray heesihii ugu horeeyay, wuxuu noqday xidig caan ah oo ku suntan hamiga dadka Oromada.

Bale waxaa uu ku andacoon jiray in uusan ahayn siyaasi balse uu yahay fannaan, wuxuuna yiri: “In aan hees ka sameeyo dadka ay la kulmayaan kama dhigno in aan ahay siyaasi”.

Fannaaniin iyo dad badan oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaasadda ayaa isaga cararay dalka Itoobiya, kuwaas oo miciin biday qurbaha iyagoo ka cabsi qabay in ay dhib kala kulmaan taliskii Melez Zenawi iyo ninkii badelay, Hailemariam Desalegn.

Balse Hachalu intaas oo dhan wuxuu ku sugnaa gudaha Itoobiya oo wuxuu dhallinyarada ugu baaqi jiray in ay u istaagaan xuquuqdooda.

Mid ka mid ah heesihii uu qaaday waxay ahayd jaceyl uu u qaaday gabar ku kalsoon dhalashadeeda iyo sida uu u doonayay in uu naftiisa u huro.

Heesaha kale ee caanka noqday ee uu qaaday waxaa ka mid ah hees la yirahdo Waa’ee Keenya oo macnaheedu tahay dhibaatada ina heysata waxay soo billaabatay sannadkii 2013-kii, xilligaas oo uu ku sugnaa dalka Mareykanka. Waxay noqotay heestii loogu iibsashada badnaa ee suuqa Amazon ee xilligaas.

Bishii Juun ee sannadkan, Hachalu wuxuu ka careysiiyay taageerayaasha Menelik II oo dalka Itoobiya ka soo taliyay, waxaana uu ku eedeeyay in uu xaday fardihii Oromada.

Heesihiisa waxay noqdeen kuwa dadka dibadbaxa dhigaya ay adeegsadaan, waxaana inta badan uu caan ku ahaa heesaha uu ku kicinayo dadka Oromada.

Isha: BBC

error: iska coppy garayso