MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalmahan dambe waxaa socday mooshin iyo olole is bedel loogu sameynaayey tirada xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somaaliya, iyadoo 13 senator lagu daray xildhibaanada aqalka sare

Xildhibaan Maxamed Xasan Idirrs oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mooshin loo gudbiyay.

Mooshinka ayuu Xildhibaan Maxamed Xasan Idirrs ku sheegay inuu yahay mid lagu dalbanaayo in tiradda Baarlamaanka Federaalka lagu daro 30 Xildhibaan oo dheeraad ah oo la gaarsiiyo 305 Xildhibaan.

Xildhibaan Maxamed Idirrs Ma shaacin tirada Xildhibaanada ku saxiixan Mooshinka loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka, hayeeshee warar la helayo ayaa sheegaya inay ku saxiixan yihiin in ka badan 60 Xildhibaan.