Maxaad ka ogtahay waddamad dumarka loo oggolyahay inay rag badan mar qura guursan karaan?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Inta badan dhaqamada iyo diimaha ka jira Afrika ma farayaan in dumarka mar qura ah ay guursan karaan rag badan, balse waxaa jira dalal uu guurka noocan ah ka yahay dhaqan soo jireen ah.

Waxaana halkan idiin kuugu soo gudbineynaa afarta dal ee dumarkooda hal mar ay guursan karaan rag badan.

Shiinaha

Dalka Shiinaha, gobolka Tibet waxaa dhaqan ah in dumarka mar qura ah ay guursan karaan rag badan, waana arrin laga sameeyay deegaannada dhaca dhaca gobolkan sida Tsang iyo Kham.

Qowmiyadaha ku nool halkan sida Monpa, Tamang, Qiang, Sherpa iyo Lhoba waxaa dhaqan u ah in dumarka hal mar ay rag badan la aqalgeli karaan.

Haweeneyda marka ay dhasho ilmo, khasab kuma ah in aabaha dhalay ugu magac darto maadama ay rag badan u dhaxdo si ay u ilaaliso xiriirka kala dhexeeyo raggaas.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in guurka noocan uu 90% ku badan yahay deegaannada miyiga dhaca ee gobolkaas.

Balse kuma badna magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla Shiinaha.

Nepal

Nepal, waa mid kamid ah dalalka ugu saboolsan ee ku yaalla qaaradda Aasiya, wuxuu dhacaa buuraha Himalayas.

Waxaa sanadkii 1963 dalkan laga mamnuucay in dumarka ay mar qura ah guursan karaan rag badan, balse weli guurkan noocan ah waxay dhaqan u tahay bulshooyinka ku nool deegaannada Humla, Dolpa iyo Kosi.

Waxay sheegeen in dhaqankooda uu farayo guurka noocan ah isla markaana sharciga uusan ka hor istaagi karin.

Sidoo kale, waxaa guurkan sameeyaa qowmiyadaha ku nool deegaannada dhaca waqooyiga iyo waqooy bari Nepal.

Hindiya

Ma ahan dhaqan ku cusub Hindiya oo qowmiyado badan oo ku nool dalkaas ayay dhaqan tahay in dumarka ay hal mar ah guursan karaan rag badan.

Qabaa’ilka ku nool deegaanka Kinnaur ee dhaca gobolka Himachal waxaa caadi ka ah guurka noocan ah, sida qowmiyadaha kala ah Nilgiris, Nanjanad Vellala iyo Nayar.

Sidoo kale, dumarka ku nool gobolka Jaunsar-Bawar ee waqooyiga Hindiya ayaa sameeya guur noocan ah.

Gabadha ku tallaabsata guurka noocan ah waxay go’aan ka gaartaa arrimaha qoyska, ragga badan ee guursadayna waxay ku khasban yihiin inay dhageystaan oo ay go’aankeeda qaddariyaan.

Nigeria

 

Ilaa iyo maanta, waxaa jira deegaanno ku yaalla Nigeria oo uu ka dhaqan-galay guurka noocan ah. Maqaal uu daabacay weriye lagu magacaabo Akinwale Akinyoade, wuxuu ku sheegay in dhaqanka noocan uusan ku badneyn bulshada dalkaas balse waa mid si qarsoodi ah loo fuliyo.

Tusaale ahaan, qowmiyadda Irigwe ee ku nool koonfurta Nigeria, haweenka waxay guursan karaan rag badan maadama uu yahay dhaqan soo jireen ah.

Waxaa sidoo kale dhaqan ah, in carruurta ay dhasho haweeneyda ay guursadaan raggaas badan ay mas’uuliyad ka saaran tahay ragga.

Sanadkii 1968, waxaa la ansixiyay sharci mamnuucayo guurka noocan ah, balse weli waa dhaqan soo jireen ah oo si qarsoodi ah ay bulshada ugu tallaabsadaan.