Maxaad ka ogthaay saameynta siyaasadeed uu Maraykanka ku leeyahay Soomaaliya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray wararka sheegaya inaanu Mareykanku xilligan saamayn muuqato ku lahayn dalka.

“Mareykanku saamayn waa leeyahay, heshiisyada siyaasadeed ee dalka hadda yaala qayb waxaa ka ah bulshada caalamka, AMISOM iyo dowladaha waaweyn, marka Mareykanku wuu leeyahay saamayn, markii dowladdu ay taageerayeena iyaga ayay ku dhisneyd illaa xad, waxa u suurta-gelayay Farmaajo, waxaa u suurta-geliyay Mareykanka, marka saamayn way leeyihiin, wayna celin karaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay in waxyaabihii u suurtagalay Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu u suurta-geliyay Mareykanka.

“Mareykanku saamayn waa leeyahay, heshiisyada siyaasadeed ee dalka hadda yaala qayb waxaa ka ah bulshada caalamka, AMISOM iyo dowladaha waaweyn, marka Mareykanku wuu leeyahay saamayn, markii dowladdu ay taageerayeena iyaga ayay ku dhisneyd illaa xad, waxa u suurta-gelayay Farmaajo, waxaa u suurta-geliyay Mareykanka, marka saamayn way leeyihiin, wayna celin karaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

“Waa khasab in hadda waxa socda wixii laga hagaajin karo, laga hagaajiyo. Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaaruhu waa in lagu khasbo inay tartan ogolaadaan oo dadka la tartan-siiyo, Madaxweynuhuna uu u daayo, oo uusan ku fara-gelin,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

“Beesha Caalamka iyagaa ugu culus, iyagaa go’aanka rasmiga ah ee Maxkamadda Sare ee dalka ka ahaa, intii muddo ah, haddana sida muuqata waxay leeyihiin hala boobsiiyo doorashada, qoladii wadayna ha wado.”

Farmaajo oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu wajahayaa cadaadis caalamiya, waxaana khilaafka labada hoggaamiye si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho.