Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xiray waddooyin horleh oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo la kordhiyay kala wareega lagu qasbo gaadiidka ka dhex shaqeeya Caasimada.

Waxaa Sidookale maanta xiran wadooyinka laga soo bilaabo Ex-Afgooye ilaa Isgoyska Taleex ee degmada Hodan iyo Wadada Maka-Almukarama, waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo wata Gaadiidaka dagaalka iyadoona oo loo diidayo inay isticmaalaan Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Isgoyska Tarabuunka ilaa Bakaaro ayaa sidoo kale xiran, waxaana saaka lagu arkayaa ciidamo badan oo boolis ah, iyadoo ay baaritaano ka sameynayaan.

Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa xiray waddooyin horleh, waxaana dadweynaha xitaa loo diidayaa waddooyin qaar oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Todobaadkii ugu dambeeyay ciidamada amaanka ayaa xiray waddooyin badan oo ku yaala Muqdisho, iyadoo dadka lagu qasbay inay gaadiid ku kala wareegaan marka ay doonayaan inay meelaha qaar u gudbaan.

aliska ciidamada Booliska ayaa dhawaan shaaciyay in howlgalkaasi ay socon doonaan ilaa laga adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana dhagxaan badan lagu xiray xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.