Maxaan ka ognahay Qodobadda looga hadli doonaa shirka Rooble iyo madaxda Maamuladda?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka ayaa markale lagu wadaa in muqdisho maanta shir uga furmo .

Shirkan la filayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro arrimo soo noqnoqday oo dhinacyada ay doonayaan in la turxaan bixiyo.

Shalay ayey aheyd in shirka uu furmo balse waxa uu u baaqday qaadacada Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlwe oo sheegay in wax talo ah uusan ku laheyn islamarkana aan lagala tashan shirka.

Cali Guudlaawe maamulkiisa ayaa waxa uu sheegay in wax aan u qalmin lagu dhaqaaqay islamarkana uu yahay shir maamulo gaar ah laga tala geliyay.

Ra’isul Wasaaraha ayaa saakay ku qanciyay Guudlaawe in shirka uu uga qeyb galo hab Online ah waxaana xafiiska Ra’isul Wasaaraha uu xusay in la xaliyay tabashadii Hirshabelle.

Hadaba shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa 6-dan Qodob:

  1. Dib u heshiisiinta Gedo iyo Baladweyn
  2. Jadwalka Doorashada 2021
  3. Ansixinta qorshaha amniga doorashada
  4. Anisixinta habraaca xulista odeyaasha, ergada iyo bulshada rayidka ah
  5. Waxaa kale oo socda dood ku saabsan in ergada 101 lagu soo kobo 51 ergo ah halka labada deegaan doorasho laga dhigayo hal deegaan doorasho.