Maxamed Cabdi Waare oo markale weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dhacdadii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dhacday 27-kii Bishii December, taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo mucaaradka ay ku tilmaameen inay aheyd afgambi fashilmay.

Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu sheegay in tallaabadaas ay aheyd mid aan fududeyn, ayna dhalisay dhowr arrimood oo kusoo siyaasaday Siyaasadda Soomaaliya, sida in Dastuurkii dalka la iska tuuray & in si bareer ah uu sharcigii dalka ugu tuntay Madaxweynaha muddo xileeekiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Waare ayaa mararka badan waxaa uu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo oo xilka si qasab ah ugu tuuray Maxamed Cabdi Waare oo aan la dhacsaneyn siyaasada farmaajo.

Hadalka Waare ayaa kusoo aadaya xilli weli uu jiro kholaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.