Muqdisho-Ayaamaha-Aniie Vernon waxay 2018-kii Beijing Olompic uga qayb gashay iyada oo dalka Britain ku mataleysa tartanka ciyaarta ee doonyaha yaryar ee qoriga lagu wado.

Iyada oo ay xilligaasi da’deedu ahayd 25 jir waxay noqotay ciyaartooygi ugu da’da yaraa oo ka qayb galo tartanka ciyaartaasi, waxayna kooxdi ay Anna ka midka ahayd tartankaasi waxay uga qayb galeen iney ka soo hoyaan billad dahab ah.

Tartanka oo ahaa mid aad u adkaa waxaa si dirqi ah kooxdi Anna ay ka mid ahayd ka guuleystay koox Shiinaha mataleysay. Guuldarrada ay ciyaartaasi kala kulantayna waxay ku abuurtay.

Vernon aad ayey uga niyad jabtay guuldarrada la soo daristay culeys dhinaca maskaxda ah. Wareysi lala yeeshay oo ay kaga hadleysay buug ay qortay ayey ku sheegtay iney guul darrada ciyaaraha noocaasi oo aad u adag lagala kulmo cadaadis dhinaca maskaxda ah ciyaartooyga guuldarreystayna ay saameyn aan yareyn ay u geystaan.

Ciyaartooyda qaar halka ay guul darrada niyad jab kala kulmeen qaarkoodna waxayba ka heleen dhiirranaan iyo adadkaan u horseeddo guul degdeg ah iney gaaraan.

Annie waxay ciyaaraha iska joojisay 2008-dii marki ay tartankaasi caalamiga ah ay guul darro kala kulantay.

Wakaaladda maamusho ciyaaraha dalka Britain ayaa baaritaan iyo cilmi baadhis dheer ku sameeysay waxyaabaha ciyaartooyda ka qayb galo tartannada caalamiga guul darrada u horseedo waxayna wareysiyo kala duwan la yeesheen 85 ciyaartooy oo caan ah.

Waxaana daraasadda lagu ogaaday guusha iyo guul darradaba iney ciyaartoyda saameyn kala duwan u geysato.

Adam Leive, oo ah dhaqaalayahan ka tirsan jaamacadda Verginia ayaa uruuriyey xogta ciyaartooyda billadaha ka soo hoya tartannada, inta u dhaxeysay 1846-dii ilaa iyo 1946 wuxuuna daraasadda uu ugu kuur galay noolasha ciyaartooyda sida ay noqoto markay guulo soo hoyaan kaddib.

Wuxuuna Leive daraasaddiisa ku ogaaday ciyaartooyda guul darreystay iney jecel yihiin iney noolal wanaagsan oo dheer ay ku noolaadaan marka loo fiiriyo ciyaartooyda billadaha helay.

Ciyaartooyga hela billadaha naxaaska ayaana ah kuwa tartannada xiga aad ugu dhiirrada oo inta badan ka shaqeeyo sidi ay u soo hoyi lahaayeen marka iyagana la barbar dhigo kuwa billadaha dahabka helay ay ka dhiirranaan ogyihiin.

Shoogga guul darrada laga qaado sida ay noolasha ciyaartooyda u saameyso

Seddex ka mid ah ciyaartooyga tusaalaha loo soo qaadanaya guul darrada ayaa waxaa ka mid ah, Paul McCartney hooyadii waxay u dhimatay cudurka kaansarka isaga oo 14 jir ah, John Lennon hooyadii waxay ku dhimatay shil gaari isaga oo 17 jir ah, Rechard Starkey inkasta oo yaraantiisi uu dhibaato la kulmin haddama arrima badan ayuu la soo kulmay inta uu da’da dhalinyarada uu ku jiray.

Marka uu lix jir ahaa, xanuun aad u daran ayuu la kulmay sanad badan ayuuna xanuunkaasi isbitaal u jiifay, Rechard hadda waxaa uu jiraa 78.

Haddaba qoraaga wargeyska daraasadda soo saaray waxay qoraalkooda ku soo afmeereen ciyaartooyda guul darrada ay tartannada ciyaaraha caalamiga ay kala kulmaan cadaadis iyo dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah balse ciyaartooyda guul darrada la kulantay ay noolashooda kale horumarro la yaab leh ay ka gaareen.