Maxay ka dhigan tahay dhoolatuska iyo soo dhoweyntan Muuse Suudi ee Jowhar?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka HirShabeelle waxaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Senatar Muuse, halkaasoo lagu wado inay maalmaha soo socda ka dhacdo Doorashada Aqalka Sare.

Soo dhoweynta Senatarka oo aheyd mid si heerkeedu sareysay ayaa waxaa ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa warar soo baxay waxay sheegayaan in uu qorsheenayo sidii kursiga muuse suudi ugu xiri lahaa.

Dhoolatuska soo dhoweyntan ayaa jawaab u ah isku dayga Villa Somalia iyo Taliska Nabadsugida ku doonayaan in Kursiga Senetar Muuse Suudi la dhaafiyo, iyagoo taageeraya Musharax kale, maadaama Muuse Suudi udub dhexaad u ahaa abaabulkii looga soo horjeeday muddo kordhintii labada sano ee Madaxweyne Farmaajo.