Waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi caciis Lafta gareen, Waxaana kulan gaaar ah qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ilo kudhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in kulan saacado qaatay ay yeesheen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed iyo ra”isul wasaaraha Kheyre.

Kulankooda ayaa waxaa loogu hadlay arimo badan oo diiradda lagu saaray sii deynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo sidookale xaaladihii ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Senetaro kasoo jeeda deegaanada koonfor galbeed oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka iyo xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed iyo Xildhibaanada ayaa iska xog waraystay xaalladda guud ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo Xildhibaanada u sheegay in la joogo xilligii loo midoobi lahaa waxna loogu qaban lahaa bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed.

Macada faahfahin dheeraad ah oo warbaahinta laga siiyay kulanka gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Koofur Galbeed.