Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Haweeney Madax uga ah Bangiga Aduunka qaar kamid ah Wadamada Qaarada Afrika.

Madaxa Bangiga Aduunka Bella Bird ee  Wadamada Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi ayaa magaalada Muqdisho u timid sidii ay wax uga ogaan laheyd Horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha.

Cabdiraxman ducaale Beyle wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa kala hadlay Bella Bird arimo kala duwan ay kamid tahay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka ka jira, waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen xoojinta wada shaqeynta Bangiga Adunka iyo Soomaaliya

Wasiirka ayaa yiri Waxaa sharaf ii aheyd inaan maanta xafiiskeyga ku qaabilo Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada bariga Afrika qaar sida, Somaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi, Waxaan ka wada hadalnay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.

Marar badan ayaa Magaalada Muqdisho  waxaa booqasho ku yimid madax sare oo katirsan Bangiga Aduunka, kuwaa oo qiimeyn ku sameenayay kobaca dhaqaalaha dalka kajira iyo isbadalka Maaliyadeed ee ka hanaanka Soomaaliya.